Deeq A. Posted February 4, 2019 Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu dilay mas’uulkii mashruuca P&O ee shirkadda DP World u joogay magaalada Boosaaso, Paul Anthony Fermosa. Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Boosaaso ayaa Puntland Post u sheegay in dilka mas’uulka uu geystay qof hubaysan oo aan weli la aqoonsan dhinaca uu ka tirsanyahy,balse isagiina isla goobta lagu dilay. Mr Paul ayaa madax ka ahaa mashruuca P&O Ports ee shirkadda DP World u qaabilsanaa dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso. PUNTLAND POST The post Madaxii PO Ports oo Boosaaso lagu dilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites