Sign in to follow this  
Deeq A.

Qof ka mid ah dadkii DUSIT weeraray oo saameeyay qaxootiga DHADHAAB

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dib usoo cusbooneysiisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku xerto xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya kadib weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka ku yeela xaafadda Westland.

Warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganeysay saraakiisha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ruux kamid ah shantii ruux ee weerartay Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi uu ku sugnaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Baaritaano laamaha amaanka ay sameeyeen kadib waxaa la ogaaday ruuxa kamid ah shanta ruux in cadeymo qaxootinimo inuu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadibna ay u sahlanaatay inuu weerarkaasi fuliyo.

Dowladda Kenya ayaa hadda sheegtay inay dib u eegayaan xeritaanka xerada Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana la sheegay in mar badan shakiyo laga muujiyay suurta galnimada in Al Shabaab ku dhuumaaleysan karaan xeryahaasi.

Dowladda Kenya weli kuma dhawaaqin qorshaha la sheegay inay ku xiri doonaan Xeryahaasi, balse waxaa socda La-tashiyo iyo Dib-u-eegista qorshahaasi.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka Kenya Mr Nakiaseri ayaa horey u sheegay in Al Shabaab ay ku dhuumaaleystaan xeryaha qaxootiga islamarkaana loo baahan yahay dowladda Kenya inay xerto xeryahaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this