Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne M/Goboleed oo ka walaacsan ciidamo Amisom ah oo ka tegaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha bixitaanka ciidamada Burundi ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in qorshaha bixitaanka ciidamada Burundi aan la gaarin waqtigiisa, isaga oo sheegay in maamulka Hirshabeelle uu walaac badan ka qabo go’aankaasi oo horey loo gaaray.

Hadalkiisa ayaa ka dambeeyay kadib markii uu magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ahna taliyaha ciidamada ugu sareeya ee AMISOM Mr Fransisco Madeiri.

25 Maalin kadib waxaa qorshaha uu yahay in ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo gaaraya 1000 askari ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya, waxaana maamulada ay saameyn doonaan kamid ah Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo ay joogaan ciidamada ugu badan ee ka socdo dalka Burundi.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in haddii ciidamada Burundi ay ka baxaan deegaanada maamulkiisa ay dib usoo noolaan karaan ciidamada Al Shabaab ee horey looga saaray deegaano badan oo ka tirsan Hirshabeelle.

Ciidamada Burundi ayaa ku sugan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Mahadaay iyo deegaanada kale ee maamulka Hirshabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this