Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi markii uu yiri “Somalia waa la kala xigaa” hal mid ayuu hilmaamay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan ku eedeeyey Puntland in ay tahay maamul laga xigo beesha Sool clan kaddib doorashadii dhawaan dhacday.

Biixi waxa uu tusaale u soo qaatay guuldaraddii doorashadii dhaweyd ka soo gaadhay beesha Sool clan kaddib markii lagu bahdilay Garoowe Dr. Cali Ciise oo ka mid ah siyaasiyiintooda ugu saameynta badan.

Madaxweynaha Somaliland oo la hadlayey ciidamada qalabka sida ee maamulkaas ayaa sheegay in Garoowe iyo Soomaaliiya la kala xigo oo ay tusaale cad u tahay sidii Dr. Cali Ciise loogu galay Puntland.

Hase yeeshee, Muuse Biixi waxa uu ilaaway sida ay Somaliland oo uu Madaxweynaha u yahay xaqooda u duudsiisay beelaha aan Isaaqa ahayn sida Awdal Clan, East Sanaag Clan iyo Beesha Sool clan oo saameyn deegaan ku leh.

Muuse Biixi waxa uu meesha ka saaray oo uu iska indha tiray in Sool clan aysan wali ku yeelan Xisbi Siyaasadeed Somaliland iyada oo ay dhammaan xisbiyada yihiin kuwo ay hoggaamiyaan beesha dhexe waxa loo yaqaan ee uu ka soo jeedo.

Waxa uu hadalkiisa ku soo hadal qaaday Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo isna miisaan siyaasadeed ku leh Somaliland oo ka soo jeeda beesha Awdal Clan oo ay meel cidla ah dhigeen.

Haa, wuu soo qaatay in Daahir Rayaale oo ay isku hayb yihiin Professor Axmed 8 sano hogaamiyey Somaliland balse kuma uusan darsan xisaabta in Samatar uga soo goystay mabdi’ii Soomaali weyn ee uu aaminsanaa.

Dhammaan markii aad eegto qodobadaas  waxaa kuu soo baxaya in Muuse Biixi iska hadlay ee xaqiiqda u saleysneyn waxa uu ka hadlay.

Tusaale, Dr. Cali Ciise beesha uu ka soo jeedo waxa ay Somaliland uga saami yo miisaan culustay Puntland oo ay ku haystaan Madaxweyne ku xigeen iyo jagooyin badan.

Madaxweynaha Somalland Muuse Biixi, kahor inta aan looga garaabin doodiisa ah in Puntland reer leeyahay waa in uu su’aalahaas ka jawaabo!

W/Q: Guuleed Baashe Axmed
Hargeysa, Somaliland 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this