Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya: Xiriir yaab leh oo la ogaaday inuu ka dhaxeeyo booliiska iyo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Kenya ayaa waxa ay ku eedeeynayaan booliska dalkaas ee ka hawlgala xadka Soomaaliya, inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, kana caawiyaan ganacsiga iyaga oo ka qaata lacag.

Sida laga xiganayo cabasho ay gudbiyeen ciidanka Xoogga ee Kenya 1-da bishan Febraayo, booliska ayaa la sheegay in ay ganacsi sharci darro ah uu kala dhaxeeyo Al-Shabaab.

Ciidamadu waxa ay sheegeen in ganacsigaas uu dhaqaale u soo hooyo kooxaha argagixisada ah ee falalka amni-darro ka geysta Kenya.

“Waa ganacsiga sharci darada ah waxa maalgaliya Al-Shabaab hawlgaladooda oo ay ku helaan qaadidda Zakawaadka,” waxa ay ku qorneyd sidaas qeyb ka mid ah cabashada.

Sida ay sheegeen ciidamada Xoogga ee Kenya, xarun boolis oo ku taal degmada Habasweyn, booliska waxa ay u adeegsaneyeen gaadiidkooda ganacsiga shacri darada ah ee ay la sameeyaan argagixisada.

Ciidamada waxa ay ugu baaqeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Fred Matiang’i, iyo baaraha guud Joseph Boinnet iyo agaasimaha dacwad oogaha dowladda Nuuradiin Xaaji in ay soo faragaliyaan arrintan.

Waxyaabaha booliska lagu eedeenayo waxaa ka mid ah in ay iibiyaan sonkor koontara baan ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab oo ay kaga qaataan lacago badan.

“Ciidamada Xoogga ee ku sugan Habasweyn waxa ay ka gudbiyeen booliska ku sugan halkaas eedeymo cul culus oo ay ka mid yihiin boqolaal juwaan oo sonkor ah oo ahaa sharci-darro, balse la waayey oo lagu ogaa dukaanka booliska”

“Sonkorta la sheegayo waxa ay tiradooda guud lagu sheegay 309 jawaan oo sanadkii ciidamada xoogga la wareegeen xilli laga soo gudbinayey xadka Kenya iyo Soomaaliya lalana xiriiriyey Al-Shabaab,” waxaa sidaas ku cawday milatariga.

Hase ahaatee, ciidamada waxa ay sheegeen in taliyaha booliska ee Habasweyn uu sonkortaas ku qaaday gaarigiisa oo uu geeyey gurigiisa ku yaala magaalada Kitui oo inta la iibiyey lacagtii loo keenay Al-Shabaab.

“Taliyaha waxa uu alaabta iibinayey isaga oo adeegsanaya gaariga booliska si loo fududeeyo ganacsiga sharci darada ah. Alaabta qaar waxaa la sheegay in la geeyey gurigiisa oo ku yaal Kitui siloo sii iibiyo”

“Halkii uu noqon lahaa qof ilaaliya sharciga, taliyaha waxa uu ku tagrifalay awooddiisa isaga oo ku caawiyey Al-Shabaab dhaqdhaqaaqooda isaga oo iibiyey sonkor si sharci darro ah habeen madow la soo galiyey,” waxaa sidaas sheegay ciidamada.

Ciidamada waxa ay ogaadeen in sonkorta maqan tahay kaddib markii ay wey weydiiyeen oo loo waayey sharraxaad.

Koox ciidamada ka mid ah oo ku sugan Dadajabula ee gobolka Wajiir ayaa sheegay in laga horistaagay in ay baaritaan ku sameeyaan dukaanka xarunta booliska markii ay ka shikiyeen in ay maqan tahay.

“Ciidamada waa loo diiday in ay wax ka ogaadaan dukaanka saldhigga booliska si ay u caddeeyaan eedda. Muxuu taliyaha qarinayaa ama ka baqayaa marka uu diidayo baaritaankaas yar hadii uusan dambiile ahayn?” Waxaa sidaas yiri ciidamada.

“Ha ogaado muwaadiniinta way la socdaan! Ciidamada Xoogga waxa ay dareemayaan niyad jab oo tani waxa ay saameyn doontaa la dagaalanka argagixisada ilaa la qaado tallaabo deg deg ah,” waxaa sidaas laga soo xiganayaa Ciidamada.

Isha warka laga soo xigatay ayaa sheegay in ay la yaabanaayeen sida Al-Shabaab maalgalin ugu heesho dhaqdhaqaaqyadooda dalka Kenya gudihiisa ah iyo sida ay ku helaan xogaha ciidamada loo diyaariyo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this