Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano shaqaysta oo suuqa fahmay (arrin cusub oo Muqdisho ka billaabatay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta aanan hoos u daadegin, horta ma aragtay xildhibaanno aad doonaysay in aad xaflad ku maamuustid oo marka aad u sheegtid inta su`aalo badan ku weydiiya, cabbaar ka dib kaa cudurdaarta? Ma la kulantay Xildhibaanno kaa ballanqaaday in ay kaala qaybgalaan xaflad, laakiin markii xilligii la gaaray taleefoonka kaa qaban waayey ama kaa cudurdaartay? Ma aragtay Xildhibaanno ku soo ajiibay oo kuu yimid, laakiin marka ay yimaadaanba kaa codsada in hadalka loogu hormariyo, marka ay hadlaanna horay ka baxa? 

Ma fahantay sababtaasi? Haddii aadan kasin hadda ayaan kuu sheegine, wax yar sug.

Magaalada Muqdisho, waxaa waayadan ka dhaca xaflado farihii ka batay oo kala nooc ah. Iskool la furayo, jaamacad la xirayo, arday qalinjabinaysa, buug, urur, ganacsi la daahfurayo, xaflado sagoontis IWM. Qolo kasta oo hawlahaasi wax ka mid ah qabsanaysa, waxa ay raadiyaan Xildhibaanno uga qeybgala oo ay munaasabaddaasi ku weynaystaan, markaasba laga yaabaa in ay Xildhibaanno ay maalintaas oo wacaan 10naan qof oo warsanaysa in ay munaasabad kala qeybgalaan.

Maxaa Xildhibaannadii ku soo kordhay?

Xildhibaannadii marka ay arkeen sida loo raadinayo, waxa ay bilaabeen in ay dadka la kafkaftamaan oo markaasi ay aadaan qolada garashada leh ee maalintaas bixin karta dhaqdhaqaaqa xildhibaanka.

Tii igu xiisaha badnayd

Subax dhaweyto ayaan tagay hoteelka Maka-al-mukarrama. Laba wiil oo aan garanayey ayaa kor inta iga aragtay ii yeertay. Wiilashaan oo xaflad qabanqaabiyeyaal ka ahaa, ayaa inta raadiyey la kulmay Xildhibaan ay doonayeen in uu xafladdaas kala qeybgalo, laakiin waxa uu u sheegay in boqollaal meel laga wacay maanta, laakiin uu iyaga raaacayo haddii ay bixiyaan shidaalka iyo qayilaaddaa wardiyihiisa. Markaa ayey isweydiinayeen, qaddarka ay siin lahaayeen Xildhibaankaas oo gudaha hoteelka ku jiray oo ka sugayey go`aan.

Aniga ayey taladii iga qeybgeliyeen, markaas baan ku iri, “War haddii ay lacag joogto, Xildhibaan lacag badan buu u baahan yehee, mana bixin kartaane, iska dhaafa.” Isjiidjiid dheer ka dib, waxa ay isla qaateen in ay 200 Doolar ku dayaan, oo haddii uu yeelana ay ballansadaan, haddii uu diidana ay iska dhafaan. Waa u tageen, waana u sheegeen. Waxa uu ku yiri, “Adeerrayaal waxaasi waxba ma ahan laakiin soo tuura, ogaadana in aan bilaash idin kugu imid iyo Soomaalinimo ee aanan waxaas meel ku tegin.” Galabtaasi waa tagay xafladdaasi aniga oo rabay in aan eego habdhaqanka Xildhibaankaasi. Waxa aan la yaabay in uu Xildhibaankaasi ahaa qofkii ugu dambeeyey oo xafladdaasi ka baxa, illeen waa nin 200 dhaarsanayee!

Galabtaasi ayaan wax badan fahay.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this