Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi ma ciyaal buu la hadlayaa: Sannadku maaha 1998 ee waa 2019!

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan dhegeystay khudbad maanta Muuse Biixi ka jeediyey Hargeysa. Khudabaddaas meel aan u qaado waan garan waayey. Khudbaddaasi wax nuxur ah ma lahayn runna haba sheegin. Kaaga sii darane wax badan oo iska hor imaanaya oo isaga dib ugu soo noqonaya ayaa ka buuxay. Bal aan soo qaadano waxyaaluhuu ka hadlay.

1) Farmaajo iyo Khayre: Wuxuu Muuse yidhi dagaal iyo colaad joogta ah iyo weeraro ayay Somaliland ku hayaan. Waa eed, ha yeeshee Muuse ma raacin meelaha ay colaadda ku soo qaadeen iyo goorta/amminta ay soo qaadeen. Waxa intaas dheer weli maynaan maqal Farmaajo iyo Khayre oo Somaliland wax xun ka sheegaya (inta badanna maba soo hadal qaadaan)!

2) Xuduud beeleed: Muuse wuxuu sheegay in Farmaajo xuduud beeleed samaynayo ama taageerayo, warkan xaggee buu Muuse Biixi ka keenay? Weli yaa maqlay Farmaajoo xuduudo beeleed ka hadlaya. Xuduuddase Muuse ka hadlayo waxaan u qaatay tan gobolka Sool, Koonfurta iyo Bariga Sanaag iyo Buuhoodle. Degaannadaas cidda aya isku hayaan Muuse waa ogyahay oo waa dadkii degganaa oo Soomaalinnimo raba, iyo maamulka Puntland. Cabdiweli Gaas iyo Farmaajona labada nin ee Soomali ugu kala fog bay ahaayeen xidhiidh iyo wadashaqaynina kamaba dhexeyn mana qarsoonayn.

3) Arrinka kale ee Muuse Biixi ka hadlay waa niman aqoonyahanno/siyaasiyiin Soomaaliyeed oo gobollada Waqooyi ka soo jeeda oo koonfur lagu xumeeyey!

Su’aashu waxay tahay haddaynu tiisaba u raacno, odayadan ma Hargaysaa wax looga ogol yahay? Bal aan midmid u soo qaadanno waxay hargeysa kala kulmeen.

A) Samatar 2012 ayuu kursiga Soomaali u sarreeya u tartamay cid iska hortaagtay tartankaas ma jirin nasiibkiisa ayuuna ka qaaday. Samatar siduu sheegay koonfur wuu kasoo “qalbijabay”. Wuxuu u soo wareegay dhanka Hargeysa iyo “Somaliland”. Shan sano ayuu olole ku jiray wax walba oo lagu aamminikarona wuu sameeyey xataa Hooyadiisna wuu ku abtirsay! Xisbigii uu u ololaynayey markuu guulaystayna halkuu ka sugayey in wasaiirka ugu miisaanka weyn loo dhiibayo “handaraab baa la saaray”.

B) Dr. Galaydh, isaguna toddoba sanadood ayuu halgan ku jirey wuxuu ku guulaystay inuu badi dadkii degaannada SSC iyo Puntland iska horkeeno, dabadeedna u jihesto dhankaa iyo Hargeysa. Dr Galaydh waxa heshiisyo horudhaca iyo ballan qaadyo la wada galay oday Siilaanyo. Heshiisyadaas oo nuxurkiisu ahaa in Somaliland dib loo eego wada lahaanshaheeda, in xukunka iyo hantidana si siman loo qaybsado, iyo in dastuurka dib loo furo si awoodaha si xaq ah loogu qaybsado. Dr Galaydh wuxuu muddo Hotel Maansoor iyo Amabassador dhul-jiifeeyeeba Muuse Biixi markuu xukunka la wareegay dhammaan ballan qaadyadii Dr Galaydh uu Siilaanyo lagalay “Handaraaabkuu u jiiday”.

C) Dr Cali Ciise Cabdi: Dr C Ciise wuxuu qayb ka ahaa kacdoonkii Khaatumo ee Dr Galaydh hoggaaminayey ee xidhiidhka u gooyey Puntland. Dr C Ciise iyadoo doorasho socoto ayuu kasoo degay Garoowe kuna dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha ee ugu sarreeya Puntland. Waxa xusid mudan inaanu wax caqabada iyo is-hortaag iyo handadaad toonna kala kulmin Puntland. Ma jiro qof keliya oo fikirkiisii ku cunsuriyeeyey ama ceeb uga dhigay. Taasi waxay tusaysaa inaan Puntland laga xigin Cali Ciise fikirkiisana uu xor u yahay markuu doonana uu ka hor imaan karo, markuu doonana Madaxweyne u tartami karo.
Dr. Cali Ciise si xor ah oo la mid ah sida madaxweynihii xilka hayey iyo murashaxiintii kale ayuu hawlihiisa ololaha umaareynayey tartankiina sidaasuu ku galay nasiibkiisa ayuuna ka qaaday, isagoo qanacsan oo weliba faraxsanna Garoowe ayuu ka mababaxay, dhowaanna dib buu ugu soo noqonayaa siduu sheegay.

D) Dr. Ismaciil Buu-baa: Dr. Buubaa raysalwasaare kuxigeen iyo wasiirka Arrimaha dibedda ayuu Soomaaliya ka ahaa cunfi iyo caqabad toona kalama kulmin intii uu joogay Xamar. Waxase xaqiiqo ah inuu denbiile ka qornaa dhanka Hargeysa imaatinkiisiina uu ku soo galay “cafis madaxweyne”. Halka Dr. Galaydh hadduu rabo uu Garoowe ka degi karo markuu rabo cid uu cafis ka dalbanayo iyo cid uu marti ugu noqonayaa toonna aanay jirin, sidoo kalena Xamar uu ka tegi karo markuu rabo weliba Xamar iyo Garooweba uu u tartami karo jagada ugu sarraysa (hadduu rabo). Sidoo kale Ismaaciil Buu-baa uma baahna cafis hadduu rabo inuu berrito Xamar ku noqdo amaba uu Garoowe u baahdo. Buubaa Hargeysuu kula joogaaye wuxuu Xamar ka waayey oo aad adiga Muuse Biixi ahi siisay bal hadda dadka u sheeg waa adiga “handaraabka saaraye”

Gebagebadii khudbadii Muuse Biixi waxay ahayd mid iska muusanoow iyo jaahwareerin ah. Ujeedaduna waxay hayd inuu dadka Somaliland ka jeediyo dhaliilaha badan iyo qalbijabka uu ku riday. Weriyeyaasha xidhxidhan, abwaanada xildhxidhan, DERBIJIIFKII Hargeysa oo xidhxidhan, dhulkii danyarta bacadlayaasha ahaa ku ganacsan jireen oo laga dumiyey, masaakiinta dhulkoodii inta laga qaaday madaxtooyo laga dhisayo, cadaalad darrada xukunkiisa laga tabanayo oo qoyskiisa uu xilalkii ku taxay, iwm ayaa Muuse Biixi u yaalla ee hakala hadlo dadka reer Somaliland. Xuduud-beeleedka uu sheegayona cidda ay isku hayaan Farmaajo maahee waa dadkii xuduudda deganaaye Muuse yaanu dadka been ay ogyihiin u sheegin. Nabad hadduu rabona ciidankiisa hakala baxo Sool.

Muuse ha ogaado in la joogo 2019 ee aan la joogin 1998. Siyaad Barre iyo ciidankii xoogga badnaa Xamar ma joogaan, Xamarna teedii baa cuslaysay. Muuse sidoo kale ha ogaado inaanu maanta ahayn jabhad SNM oo jooga Balligubadle iyo Qaaxo. Dadka Somaliland uma baahna kaana qaadan maayaan DAAROOD baa ina soo weeraraya iyo ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed baa laynoo adeegsanayaa 2019!

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
dalmarbilaal@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this