Sign in to follow this  
Deeq A.

Hambalyo iyo Boggaadin kal iyo laab ah oo ku socota Ciidmada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hambalyo iyo Boggaadin kal iyo laab ah oo ku socota Ciidmada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland meel kast oo ay ku sugan yihiin iyagoo gudanayaan Shaqadii Qaranka ay u hayeen si Hufnaan ah iyo hagar la,aan ah ba.

Waxa aan u diratay Ciidmada Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland Hambalyo iyo Boggaadin kal iyo laab ah oo aan kagga qayb qaadanaayo 25aad guurada ka so wareegtay Maalintii Dhidibada loo taagay ee 1994 oo Maanta ku beegan 2/22019 .

Waxa aan ogahay Kaalinta qaaliga ah ee ay Qaranka ugu jiraan ee aan ciid buuxin karta jirin iyo Xaladaha qalafsan ee ay ku sugan yihiin kunna howl galaan si hagar la,aan ah . Waa Maalin qiimo iyo qaderin innagga mudan ku dhamaanteen waanna waajib guud ka qayb galkeeda iyo maamusida ah ixtiraam iyo xishmad aynu u hayno Ciidmada Qaranka. Ma ku habooneyn in Maanta laga dareemo dabal-dega 25aad guurada Ciidmada Qaranka rugaha iyo Talisyada guud iyo kuwa agaga kale duwan Ciidmada Qaranku ay leeyihiin balse waxay ku habooneyd in si dareen iyo Muwaadinimo Wadanimo ka dhadhamyso kana turjumaysa ama ah lagga dareemo meel kasta iyo goob kasta oo Dalka gudahiisa Xarun Dawladeed iyo mod gaar loo yahay la sudho Astaanta gaarka ah ee Ciidmada Qaranku gaar ka u leeyihiin .

Taas iyadaha ma ah mid Dawlada xilkeeda ah ee waa mid saaran ku dhamaanteen Muwaadinta Jamhuuriyada Somaliland . Waxa aynu odhan karrna waxaynu halka iyadaha Muwadinin ahaan ka soo bixi kari weynay mid ka mid Waajibkii guud ee ina saaran kii ugu weyna ugunna muhiimsanaa .

Waxa aan odhan karra shiksiyan waa sababaha aan waxyaalo badan oo Qarankeena ka dhiman aan u gaadhi weynay ka soo bixid la,aan ka timi innaga oo Muwaadininta Dalkeenna ah. Waxa aan door bidaya inan la wadaago inta Dadnimada iyo waxgaradnimada leh maanka iyo quluubta ku haya in la sameeyo waxna laga qabto baahiya Qaranka ee inugu waajibay Muwaadin ahaan.

Inaynu isu taagno innagoo aan waxba ka hagraneyn buuxinta kaalin kasta oo Qarankeena dhisidiisa iyo taabbo-gelintiisa. Aduunyada ma dhismo Qaran aan lahayn Ciidamada Qaranka sida daradeed waa ogsoon nahay halka uu joogo heerka dar-yeel guud oo ay helaan ciidmadeenu marka loo eego Wadamada dariska ka .

Waa inoo dulinimo iyo ayaan darro inaynu ficil guud yeelan weyno hadii aynu nahay Muwaadininta Jamhuuriyada Somaliland oo ay inaaggu jirto hamrasho aynaan sheegi kareyn waxa inagu kalifaya inaynu siddaa yeelo.

Waxgaradka Bulshada Da,yarata Aqoon,yahanka ah waxa la gudboon sidii waxii Maanta ka danbeeya loo muujin laha maalmaha Qaranka ee la mid ah maanta oo Ciidmada Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland u dabaal-degayaan 25aad guurada ka so wareegtay Maalintii Aas-aasay,

Waa mid muhiim aha in kor loo qaado Habmaamuska Ciimadeen iyo Maalmaha gaar u ah ee ay leeyihiin.

Abokor I Mohamud.

Bolton UK

Waa Billahi Towfiiq.

————————-

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this