Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda KULMIYE Sheegay In Kala Badh Dad Reer Somaliland Ay U Baahan Yihiin Gargaar Deg-Deg Ah Xilli Ay Hawlan Tahay Qorsheyaal Ku Kacaya Malaayiin Doollar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’adda U Diyaargarowga Aafooyinka Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa waxa uu ka warbixiyey xog ururin ay Hay’addu samaysay.

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa waxa uu sheegay in hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof (1,500,000) ayaa u baahan gargaar degdeg ah, dadka reer Somaliland ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ayaa waxa ay ku hawlan tahay qorsheyaal ku kacaya lacago malaayiin doollar ah oo ka mid yihiin dhisme cusub oo galbeedka Magaalada Hargeysa looga dhisayo Madaxtooyadda iyo laba guri oo loo dhisayo Madaxweyne hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax.
Dad baraha bulshada wax ku qora ayaa layaab ka tilmaamay dhawaaqa ka soo yeedhay iyaga oo si weyn fallan-qaynayay arrimahan.


Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa ka mid ahaa dadkii arrinta kaga hadlay Facebook waxaanu yidhi:

weedhsame.png

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this