Deeq A. Posted February 3, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kormeeray xabsiga guud ee Muqdisho oo laga hir-geliyay Taliska Guud ee Asluubta oo ku yaalla Ex-kaantarool Afgooye. Taliyaha ciidanka Asluubta, xeer ilaaliyaha qaranka iyo wasiirka caddaaladda ayaa Mr Khadar ku wehliyay kormeerka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa soo indha-indheeyay dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay xabsigaan. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda ay waajib ku tahay ilaalinta xuquuqaadka maxaabiista, xabsiga guud ee dhismihiisa la dhamaystirayna uu noqonayo halbeegga dhismaha xabsiyada kale ee dalka. The post RW ku xigeenka oo kormeeray xabsiga guud ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites