Deeq A. Posted February 3, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Maaliyada ee dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxnaa Ducaale Bayle ayaa maanta la kulmay safiirka Mareynkanka ufadhiya wadanka ee Donald Yamamoto. Bayle qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Bogga Twitter-ka wuxuu ku shaaciyay inuu kala hadlay danjire Yamamoto arrimo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maaliyadda iyo kob-cinta dhaqaalaha. “Mareykanka waxa uu muhiim u yahay dib-u-habeynta Maaliyadda sidoo kale waa saaxiibka Soomaaliya,” ayuu wasiirku hadalkiisa kusii daray. Soomaaliya iyo Mareykanka waxa ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo diblumaasiyadeed iyada oo xukuumada Washington ay ka taageerto DFS dhinacyada amniga, siyaasada iyo maaliyada. The post Wasiirka Maaliyada XFS oo la kulmay safiirka Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites