Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Farmaajo oo sheegay in lala xisaabtamayo wasaaradaha DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo], ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Tubta amniga iyo Caddaaladda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka xukuumada Federaalka ah,Xasan Cali Khayre, wasiirro, taliyaasha ciidanka qalabka sida, hey’adaha amniga gobalka ayaa ka qayb galay kulanka.

Shirka ayaa looga hadlay dardar-gelinta howlaha iyo halbeegyada hay’adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubta ee la xariira sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka.

Farmaajo ayaa u sheegay dhammaan hay’adaha iyo wasaaraha halbeegyada ku leh tubta in lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyadii ay kula heshiiyeen ra’iisul wasaare Khayre in ay ku dhammaystirayaan sannadkaan 2019.

Tubta amniga iyo cadaaladda oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa kamid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qarnaku ay kula wareegayaan amniga dalka iyo hagaajinta hannaanka caddaaladda.

The post MD Farmaajo oo sheegay in lala xisaabtamayo wasaaradaha DF appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this