Deeq A. Posted February 3, 2019 Waxaa maanta hoolka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ka furmay Shir soconaya afar maalmod oo uga furmay Guddiga Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo uu soo magacaabay Sanadkii Hore Madax waynihii hore Ee Dowlada Puntland Prof: C/wali Mohamed Cali gaas. Gudigan ayaa markii ugu horaysay kulan yeeshay oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw Ciise Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Mohamed Cali Faarax iyo Gudoomiyaha Gudiga tacliinta sare Puntland Prof Mohamed Cabdi Aadan iyo Xooghayaha Gudiga Tacliinta sare C/qani Axmed Faarax iyo qayb ka mid ah Xubnaha Gudiga Tacliinta sare iyo Jaamacadaha Puntland iyo jaamacada kenyata University khuboro ka socotay. Shirkaan ayaa ahaa maanta ujeedadiisa in looga hadlo Xeerka Tacliinta sare, Xeerkan oo golaha Wakiiladu waxuu hormarinayaan Tacliinta sare, asaasidda aqoonsiga iyo Xukunka Tacliinta sare ee Puntland, yagleelida Guddiga Tacliinta sare, iyo u jeedooyinka la xiriira. Gudoomiyha Gudiga Tacliinta sare Prof: Mohamed Cabdi Aadan ayaa ka hadlay ujeedooyinka loo asaasay Gudiga Tacliinta sare iyo heerarakii uu soo maray markii gudiga la sameenayey waqti badana ku qaadatay waxuuna aad uga mahad celiyey Wasiirka Waxbaashada iyo dhamaan intii masuuliyada qaaday. Gudoomiyaha gudiga ee tacliinta sare Pro Mohamed Cabdi Aadan oo ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay shirkani oo wax weyn ka taraya ayuu yiri tacliinta sare ee dalka kaasi oo xusay in ay muhiim tahay in la tayeeyo waxbarashada sare ee jaamacadaha si loo helo dhalinyaro aqoon yahan ah oo dalka anfacda taasina uu daaran yahay shirkani in lagu lafo guro. C/fataax Nuur Ashkir oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Xeerka Tacliinta sare ay sameeyaan qorshe kor loogu qaadayo tayada jaamacadaha dalka taas loola jeedo qof walba inuu baro, Tababaro, ama Cilmi baaris ka sameeyo Hay’daha Waxbarasho ama hal wadeen kale oo ay magacaabeen Golaha jaamacadaha. Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare Pro Abshir Yuusuf Aw Ciise ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid tacliinta sare ee dalku ay u baahnayd si go’aan looga gaadho tayada jaamcadaha dalka waxaanu sheegay in ay muhiim tahay in waxbarashada asaasiga ah la soo dhiso si ardayga ama ardayda bilaabaysa jaamacadu ay u noqoto mid aqoonteedi hore ay dhisan tahay kaasi oo sheegay in ay muhiim tahay in ardaygu uu yaqaano luuqada uu wax ku baranayo. Gebogebadii waxa shirka furay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ugu baaqay gudiga Tacaliinta sare ka soo qayb galay in ay tayeeyaan jaamacadaha si loo helo aqoon yahan dalka wax badana tara, waxaanu Guddiga iyo Xubnaha ugu baaqay in ay muujiyaan wadashaqayn si loo helo aqoon sare oo tayo leh waxaanu si rasmi ah u furay shirkii ugu horeyey ay gudiga Tacliinta sare yeeshaan kaas oo socon doona mudo afar cisho ah. _DHAMMAAD_ The post Gudiga Tacliinta sare Puntland oo Garoowe shir uga furmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites