Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: DP World kama soo bixin ballanta, wixii aan fileynay ma keenin + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan maamulka Somaliland ayaa cabasho ka muujiyey in shirkadda la wareegtay dekedda Berbera ee DP World aysan daacad ka ahayn heshiiska dekeddaas, oo aysan dooneyn inay dhisto.

Xildhibana Scaiid Cartan Cismaan oo ka mid ah golaha wkaiilada Somaliland lagana soo doorto gobolka Saaxil ayaa sheegay in DP World ay dekedda Berbera keentay qalab aad duug u ah.

Waxa uu intaas ku daray in DP World aysan haba yaraatee wax horumar ah ka sameyn dekeddaas.

“Shirkadda DP Wolrd, haba yaraatee wixii aan ku heshiinay kama aysan soo bixin. Ballanta waxay ahayd inay dekedda balaariso, oo ay ku darto 800 oo mitir oo cabir ah, si aan ula tartanno dekeddaha dalalka deriska nala ah, sida Jabuuti” ayuu yiri xildhibaanka.

“Balse nasiib darro, waxba ma aysan qaban ilaa hadda. Ballanta waxay ahayd inay shaqadan ku billaabaan sanad gudihiis, balse waxa ay iminka mareysa saddex sano, waxbana ma aysan qaban. Bilba bil bay amaahataa, sdiaas ayey waqtiga ku lumisaa” ayuu raaciyey xildhibaan Saciid Cartan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dekedda hadda la keenay saddex cagaf iyo booyado aad duug u ah, oo shacabka lagu qaldayo si loogu sheego in shaqada dhismaha dekdda la bilaabay.

Hoos ka daawo xildhibaan Saciid Cartan Cismaan. 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this