Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle Oo la kulmay Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E. Qin Jian.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadeedka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya aan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Qin Jian.”ayuu yiri Wasiir Beyle

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dalka Shiinaha uu yahay taageero muhiim ah iyo saaxiib xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka xiriirka fog la leh Soomaaliya, isagoona dalka ka fuliya Mashaariic waaweyn oo waxtar u leh dadka Soomaaliyeed.

The post Wasiir Beyle Oo la kulmay Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this