Deeq A. Posted February 3, 2019 Jowhar ( SMN)-Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa la sheegay in la filayo in bishan gudaheeda ay ka bixi doonaan deegaanada M/Hirshabelle oo ay xarun ku leeyihiin ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. War saxaafadeed uu soo saaray Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa lagu sheegay in ay ka wada hadleen madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare sida ay suura gal u tahay ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Hirshabelle. Mr Madeira ayaa arrintan u cuskaday warbixin ay horay u soo saareen golaha ammaanka ee QM oo ku aadaneyd in AMISOM looga baahanyahay in ay yareyso ciidamada ka jooga Soomaaliya. Dhinaca kale hadalkan ka soo yeeray madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa walaac ka muujiyay Madaxweyne Waare, xilli weli deegaano ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay gacanta ku hayaan Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu muujiyay in wali ay jirto baahi loo qabo in AMISOM ay sii joogto deegaanada maamulkiisa, si loo dardar galiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. The post AMISOM Oo ka baxaysa deegaanada HirShabelle appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites