Deeq A. Posted February 3, 2019 Nairobi (SMN)-Laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in baaritaan kadib ay ogaadeen in ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi ee ku sugan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay u fududeeyaan Al Shabaab in ay gudaha u galaan dalkaasi. Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ee lagu eedeeyay in ay gacan saar hoose la leeyihiin Al Shabaab oo weraro ka fuliya gudaha dalkaasi. Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ah cuno iyo dawooyin ay leeyihiin Al Shabaab gudaha loo galiyo dalka Kenya. Laanta la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada Kenya ayaa dacwad ka dhan ah ciidamadan u gudbisay Wasaarada Amniga dalkaasi. Kenya oo qeyb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta Al Shabaab oo bilihii la soo dhaafay weeraro xoogan ka geysanayay dalkaasi. The post Kenya Oo shaacisay saraakiil xiriir la leh Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites