Deeq A. Posted February 3, 2019 Guddoomiyihii degmada Jarriiban ee gobolka Mudug (Puntland), Maxamed Yuusuf Shirwac ayaa maanta xilka iska casilay, sida uu ka shaaciyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay degmadaasi. Guddoomiye Shirwac, ayaa sheegay in uu isu’ casilay, arrimo caafimaad oo isaga u gaar ah, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dadkii la soo shaqeeyay, oo ay u horreeyaan xildhibaannada golaha degaanka Jarriiban. Shirwac ayaa xilkan loo doortay, 10 bishii June ee sannadkii 2015, kadib kulan ay halkaasi ku yeesheen, xildhibaannada golaha degaanka degmada Jarriiban oo ka kooban 21 xubnood, waxaana uu xafiiska joogay mudda 3 sano iyo 7 bilood ah. Degmada Jarriiban waxay qiyaastii 180km dhinaca bari ka xigtaa, magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana hoostaga ilaa 56 degaan oo u badan tuulooyin yar yar. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Guddoomiyihii degmada Jarriiban oo is’casilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites