Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Mareykanka oo sheegay 3 arrin oo ka dhex jirta DF oo sababay inaan laga adkaan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Taliyayaasha Sirdoonka ee dalka Maraykanka  ayaa ka digay inay sii socon doonaan Khataraha Al-Shabaab ku hayaan dalalka Bariga Afrika sannadkan soo socda.

Warbixin ay Madaxda Sirdoonka Maraykanka soo saareen bishii na dhaaftay ee Janaayo 29-dii waxay ku sheegeen in dagaalladda lagula jiro Al-Shabaab aan la filaynin in hoos loo dhigo intay ay jiraan saddex arirmood oo kala ah, 1 – loolanka  madaxda, 2 – Musuq iyo 3 – Isku-xirnaanta liidata ee u dhexeeya Hay’adda Ammaanka ee ku sugan gudaha dalka Somalia.

Warbixinta waxaa kaloo lag sheegay in  21,000 ee Askari ee Ciiddanka AMISOM oo 4,000 ka mid Kenyan yihiin  aysan jeclayn inay qaadaan hawlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ay foodda nagu soo hayso xilliga u qorsheysan inay Ciiddanka AMISOM ka baxaan Somalia sannadka 2021-ka.

Warbixinta ay isku soo duween Madaxda Sirdoonka ee dalka Mraaykanka, waxaa kaloo lagu sheegay inaan falaanqeyn lagu samaynin waxyeelladda ay Duqeymaha Ciiddanka Maraykanka u geystaan Bartilmaameedyadda Al-Shabaab.

Milliteriga Maraykanka waxay sheegtaan inay boqolaal Al-Shabaab ku dileen guud ahaan duqeymihii dhinaca Cirka ee ay Somalia ka fuliyeen labadii sanno ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta Guud ee ay Madaxda Sirdoonka Maraykanka oo ka koobnayd 42-bog waxay dareenkooda khatarta Qaaradda Afrika ku soo koobeen hal bog, halka inta kale looga hadlay Khataraha Ammaanka ee Maaraykanka uga imaan kara dalalka Waqooyiga Kuurya, Raashiya, Dagaalamayaasha Islaamiyiinta iyo kuwa kale ee khatarta ku ah Danaha Maraykanka iyo dalalka Isbahaysiga la ah Maraykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this