Sign in to follow this  
Deeq A.

Africa Confidential: Arrin uu Haysom soo jeediyey ayaa ka carreysiisay Mareykanka, una tageeray DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Africa Confidential ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Hyaosm, iyo sida ay uga fal-celiyeen quwadaha waa weyn ee dunida.

Wargeyska waxa uu sheegay in dalalka Midowga Yurub sida UK, France iyo Germany ay aad uga carrodeen tallaabadaas, kana soo horjeesteen.

Hase yeeshee wargeyska ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taageero u muujisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Africa Confidential ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay hadda tahay mid ka mid ah dowladaha ugu taageerada xooggan dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mid ka mid ah sababaha Mareykanka ay u muuqato inuu u taageeray cayrinta Haysom, ayuu wargeyska sheegay inay tahay ayaga oo aad uga carrooday soo jeedin Haysom ka timid bishii November ee 2018, intii uu socday kulan dhex-maray dalalka deeqaha siiya Soomaaliya.

Haysom ayaa kulankaas kasoo jeediyey in dowladda Soomaaliya iyo caalamka ay wada-xaajood la furaan Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale taas ka carrooday dowladda Farmaajo, sida uu sheegay wargeyska.

Wargeyska ayaa sheegay in markii cayrinta Haysom ay gaartay golaha ammaanka QM, inkasta oo Mareykanka uu taageeray qaraarka dalalka Yurub ay riixayeen, haddana ay ahayd taageero aan xamaasadeesneyn oo ay wax u laaban yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this