Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraalka Itoobiyaanka ah ee la wareegay hogaanka AMISOM oo dhaartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee la wareegay hoggaanka ciidamada Amisom, Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn, oo kasoo jeeda dalka Itoobiya, ayaa wacad ku maray inuu xididada u siibi doono kooxda Al-Shabaab.

“Waa shaqo adag, balse waxaan ku kalsoonahay inaan qaban karo” waxaa sidaas shaaca ka qaaday taliye Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn.

Waxa uu sheegay in dagaalka AMISOM ay kula jirto Al-Shabaab uu yahay mid adag, islamarkaana kooxdan ay sii xoogeysaneyso oo ay kordhisay weerarada ay ka fulineyso dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Shaqada ugu adage e dagaalka Al-Shabaab, ayuu sheegay inay tahay sidii kooxdan looga saari lahaa deegaanada ay ku xooggan tahay ee koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku teedsan xuduudda dalka Kenya.

Labadii toddobaad ee tegay Al-Shabaab ayaa laba weerar oo kala duwan oo dhimasho badnaa la beegsatay ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dishay askar ku dhow 80, sida ay sheegatay.

Khasaaraha nafeed ee gaaray ciidamada dalkiisa, ayaa dagaalka iyo ka adkaanshaha Al-Shabaab ka dhigaya, mid muhiimad gaar ah u leh Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn.

Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 4,200 oo askari oo qeyb ka ah ciidamada Amisom, hase yeeshee askarta kale ee Ethiopia ka jooga dalka, ee aan qeybta ka ahayn Amisom, ayaa intaas aad uga badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this