Deeq A. Posted February 3, 2019 Xiriirka Kubbadda cagta dalka Eritrea ayaa diyaar u ah in maalmaha soo aadan ay soo gaaraan caasimada Muqdisho,iyagoo kulamo saaxiibtinimo la ciyaaridoonaan dhigooda Soomaaliya. Wafuuda hogaaminaysa xulka qaranka dalka Eretria ay Muqdisho u imaanaya in ay la dheelaan xulka 20-jirada Soomaaliya waana markii ugu horeesay ay xulkeena ku ciyaaraan garoomada gudaha tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe. Si kastaba xulka Eretria ayaa noqona kii ugu horeeyay oo caasimada u yimaada ciyaaro saaxiibtinimo waxayna arinta go’gol xaar u tahay in wadanka ay yimaadaan xulal kale oo ka socda dalka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Halkaan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Xulka Eritrea Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites