Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda CQS Oo ka digtay in Hub lagu dhex qaato M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( SMN ) –Gaashaanle sare C/laahi Buulle Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa digniin adag u diray askarta hubka ku dhex heysta M/Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay sharci darro, islamarkaana ay ka hortagi doonaan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan ogolaan doonin in gaadiid dagaal lagu dhex wato Caasimadda, isagoona intaasi ku daray in ciidamada amnigu ay sameyn doonaan howlgallo ka dhan ah hubka sharci darrada ah ee lagu iibiyo suuqyada dalka.

Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sameeyay howlgallo hub uruurin ah, si loo yareeyo hubka lagu dhex wato M/ Muqdisho

The post Maxkamadda CQS Oo ka digtay in Hub lagu dhex qaato M/ Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this