Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS Oo kulan isugu yeeray laamaha amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga dalkan.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu ka dhoco xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Warar hoose ayaa sheegaya in shirkani diirada lagu saarayo arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Madaxweynaha JFS Oo kulan isugu yeeray laamaha amniga appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this