Deeq A. Posted February 3, 2019 Jowhar (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HrShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Madaxweyne Waare ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaaladaasi, isagoona ka bilaabi doono kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle . Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jowhar ayaa Shabelle u sheegay in u jeedada ugu weyn ee kulamadan ay tahay sidii xal looga gaari lahaa cabasho ku aadan Mushaaraad ka maqan golaha wakiilada maamulkaasi. Shalay ayey aheyd markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabelle ay cod dheer ku sheegeen in lala xisaabtami doono madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, si wax looga weydiiyo cabashooyinka la xariira dhinaca Mushaaraadka iyo sidoo kale tabashooyin ka yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. The post Madaxweynaha HirShabelle Oo ku wajahan M/ Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites