Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad “Iscafinta haddii ay dhab tahay waxaa la rabaa in loo fadhi Badasho” Daawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in madaxda dowladda iyo maamulada looga baahan yahay inay ka dhabeeyaan barnaamijka is cafinta.

Isaga oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi oo lagu soo dhaweynayay madaxda cusub ee Puntland, ayuu ka sheegay magaalada Garowe inay kulmisay masuuliyiin muddo xurguf siyaasadeed ay ka dhaxeysay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in xafladii ka dhacday magaalada Garowe sido kale ay isku arkeen dad siyaasiyiin ah oo deris ah balse aan sanado wada hadal, isaga oo madaxweynaha Puntland ku amaanay dadaalka uu sameeyay.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayuu weeraray madaxda dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inaysan u suuragalin sidii ay doonayeen.

Wuxuu sidoo kale si kaftan ah u sheegay in ciidamo AMISOM ah aysan ku sugnayn deegaanada Puntland, islamarkaana aysan suurogal aheyn ruuxii kahor yimaadaa inay AMISOM xiraan, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo muuqaalka Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this