Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Axmed Madoobe oo durba ka faa’iiday isku soo dhawaansho ee DF iyo M/goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland uu durba helay faa’idada heshiiskii isku soo dhawaansho ee dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Wararka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay maamulka Jubbaland u fasaxday dhaqaalo loogu talo galay horumarinta deegaanada maamulka Jubbaland, kuwaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay xayirnaa.

Caasimada Online ayaa ogaatay in maamulka Jubaland loo fasaxay lacag dhan $1.2M oo loogu talagalay dhismaha wadooyinka iyo mashaariic hormarineed oo laga hergaliyo gudaha magaalada Kismaayo.

Lacagtaan ayaa markii hore u xayirneyd khilaafka Siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Hoggaanka Maamulka Jubaland iyo Madaxda Dowladda Dhexe, waxaana shirkii Garowe kadib muuqata isku soo dhawaansho dowladda iyo maamul goboleedyada.

Beesha caalamka oo lacagtaan ku deeqday ayaa ilgaar ah ku haysa meesha iyo waxa lagu qaban doono lacagtan, waxaana jira walwal ah in lacagtaasi loo adeegsan karo ololaha Doorashada Jubaland ee soo socda.

Sidoo kale waxaa wali xayiran dhaqaalo loo qorsheeyay horumarinta deegaanada maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo xayirmay waxii ka dambeeyay markii maamul goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this