Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shacab isku tashaday oo qabtay shaqo laga sugayay maamulka gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Shacabka ku dhaqan waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa buuxiyay doorkii ay ka sugayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho tan iyo markii xilkaasi loo doortay sanad ka hor.

Shacabka ku nool isgoyska Fagax ilaa Ex Conrtol Balcad ayaa sameeyay barnaamij isku tashi ah iyaga oo nadiifiyay wadada isku xirta labada isgoys oo xerneyd tan iyo markii roobabkii xooganaa ay ka da’een magaalada Muqdisho.

Wadayaasha gaadiidka iyo shacabka ayaa halkaasi ku dhib qabay, waxaana la sheegay inay sameeyeen barnaamij isku tashi ah, iyaga oo kadib nadiifiyay wadada kadib markii ay lacago isku darsadeen.

Maamulka Gobolka Banaadir ayeey dadka ku eedeeyeen inay gabeen kaalintii ka saarnayd u adeegida Bulshada, iyaga oo sheegay inay bixiyaan Canshuur, balse aysan helin addeegyadii looga baahnaa Dowladda hoose.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor u dabaal dagay sanad kadib waxyaabaha uu qabtay, waxaana uu soo bandhigay waxqabad ku koobnaa wadada Maka AL Mukarama.
Waxaa isweydiin mudan degmooyinka waqooyi miyaaney kamid ah aheyn degmooyinka uu maamul godoomiye Yariisow Maamulo, isaga oo la og yahay canshuurta dadkaasi laga qaado inay ku dhacdo qasnadda dowadda.
51129520_2506207989409118_30121341804242 51342912_2506208009409116_43422895076603 51388181_2506207999409117_66127632593280 51398369_2506208102742440_72881641323925 51731870_2506208012742449_78779759709241
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this