Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen nawaaxiga Mukeyga Afgooye.

Inkastoo uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan ayaa hadana si rasmi ah loo hayn tirada dadka ku waxyeeloobay dagaalkaasi.

Xaaladda degmada Afgooye ayaa ah mid deggan, hase ahaatee waxaa socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda federaalka.

Ciidamada dowladda oo kasoo baxay fariisimaha deegaanno ku dhow Afgooye iyo duleeyada degmadaasi ayaa sababa u noqday in Al-shabaab ay weerarka Afgooye xoojiyaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this