Deeq A. Posted February 3, 2019 Garissa ( Sh. M. Network )-Sida lagu baahiyay barta Internet-ka Al Shabab ayaa lagu sheegay in qarax nuuca Miinada ah ay la beegsadeen Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya, xilli ay marayeen deegaanka Amuume oo hoostaga magaalada Garissa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Warkan ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu shaaciyay in qaraxaasi ay ku dileen dhammaan Askartii saarneyd Gaarigaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi. Sidoo kale ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Kenya ka soo gaaray weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa. Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo sheegtay qarax lala eegtay Ciidanka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites