Deeq A. Posted February 3, 2019 Baardheere ( Sh. M. Network )-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay magaalada Baardheere ee G/Gedo. Howlgalladan oo shalay soo bilowday, islamarkaana soo gaaray saaka ayaa waxa ay Ciidanku ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi. Ismaaciil Cabdi Qorax guddoomiyaha degmada Baardheere oo la hadlay Shabell ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in baaritaanadan lagu soo qab qabtay dad badan, islamarkaana ay kala saari doonaan, si loo sii daayo kuwa aan dambiga laheyn. Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in u jeedka howlgalladan uu ahaa, sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Shalay ayey aheyd markii weerar loo adeegsaday qarax Ismiidaamin ahaa lagu qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi. The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites