Sign in to follow this  
Deeq A.

Caro ka dhalatay arrin ay Sacuudiga ka sameeyeen Mareykanka iyo sharci ka dhan ah oo la diyaariyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Portland (Caasimada Online) – Senator-ada laga soo doorto gobolka Oregon ee ku jira aqalka senate-ka Mareykanka ayaa qoray sharci lagu ciqaabayo Sacuudiga, kadib markii ay soo baxday in boqortooyada Sacuudiga ay Mareykanka ka saartay shan nin oo dambiyo loo haysto.

Dambiyada raggan loo haysto ayaa isugu jira kufsi ka dhan ah gabdho Mareykan ah iyo dilal.

Waxaa ugu dambeeyey dilka Fellon Smart oo ahayd gabar 15 jir ah, oo uu baabuur ku dilay  arday Sacuudiyaan ah oo lagu magacaabo Abdulrahman Sameer Noorah, sanadii 2016.

Waalidkeed oo markii ugu horreysay arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inay aad uga naxeen inay ogaadeen in qofkii dilay gabadhooda la waayey laba toddobaad ka hor maxkamadiisa, isaga oo gacan ka helaya dowladda Sacuudiga.

Baarayaasha dowladda Mareykanka ayaa ogaaday in shirkad qareeno oo ay shaqaaleysay boqortooyada Sacuudiga, ay bixisay boqol kun oo dollar oo ka mid ah hal milyan oo damaanad ah, kadibna dowladda Sacuudiga ay diyaarad khaas ah uga saartay dalka Mareykanka.

Sharcigga cusub ee la horgeeyey senate-ka Mareykanka, ayaa waxaa qoray Jeff Merkley iyo Ron Wyden oo laga soo doorto gobolka Oregon ee gabadha lagu dilay.

Sharcigan ayaa u ogolaanaya dowladda federalaka Mareykanka inay baarto kiisaska dambiilayaasha dalka ka dhuunta ee ajnabiga ah, islamarkaana laga hor-istaago in marka horeba lagu sii daayo damaanad.

Caasimada Online
Xafiiska Seattle
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this