Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR oo sheegay arrin ay DF ka sugayaan u dambeyn bisha lixaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook wuxuu kaga hadlay waxyaabaha ay ka sugan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu sheegay inay u harsan tahay muddo labo sano ah, islamarkaana ay ka sugayaan madaxda dowladda iyo madaxda dowlad goboleedyada inay si wadajir ah kaga shaqeeyaan nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka labo sano kadib.

Wuxuu sheegay in xiligan oo kale madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu cadeeyay nooca doorasho ee dalka ka dhacday, isaga oo sheegay in sidaasi oo kale dowladda hadda jirta laga doonayo kama dambeys in bisha lixaad ee sanadkaan cadeyso nooca doorasho ee dhaceysa.

“Labo sano ayaa idlaatay hoggaanka dawladana wax war ah oo doorashooyinka ku aadan lagama hayo. Madaxweyne Xasan Sheekh markii ay labo sano u dhammaatay wuxuu Baarlamaanka iyo shacabka ku wargeliyey in aysan suuragal ahayn qabashada doorasho qof iyo cod ah”.

“Taasi waxy keentay in laga tashado hannaan kale oo beddeli kara. Dawladu waa in ugu danbayn bisha June qorshe cad oo doorashada la xariira miiska soo saartaa, hadii kale in aan dalku doorasho u socon ayey tilmaam u tahay”.

“Dadwaynihii aan xalay kula hadlay Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe waxaan ku wargeliyey in mudda harsan ay Madaxdoo idil Federal, Dawla Goboleed, iyo Xisbiyo xooga isugu geeyaan sidii doorasho loo qaban lahaa, hogaanka dalkana waa in uu dadka u run waramaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this