Sign in to follow this  
Deeq A.

CALI GEEDI oo xoqonaya kaarkii Cabdullaahi Yuusuf

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi ayaa maalmahan ku sugan maamul gobolleedka Puntland.

Geedi waxa uu halkaas u tagay ka qeybgalka xafladdii caleema saarka ee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. Hase ahaatee, waxa uu xafladda kaddib bilaabay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan laga fileyn.

Muxuu sameeyey?

Cali Maxamed Geedi waxa uu 10,000 (Tobon kun oo Dollar) ugu deeqay dayactirka wadada isku xirta Garoowe iyo Galkaacyo.

Geedi waxa uu booqday qabrigii AUN saaxiibkiis madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf oo uu u duceeyey.

Prof. Cali Maxamed Geedi sidoo kale waxa uu dhaqanka iyo bulshada reer Burtinle kula hadlay isla degmadaas isaga oo sheegay in uu abaalka ugu weyn ee siyaasadda u hayo Cabdullahi Yusuf.

“Cabdullahi Yusuf waa ninka igu soo gardaadiyey siyaasadda.”

Hadaba maxaa socda?

Hadal jeedintiisii Burtinle, Cali Maxamed Geedi waxaa uu ku xaqiijiyey in uu siyaasadda dalka iyo hoggaaminteeda markale hammi ka leeyahay isaga oo cadeeyey in uu Xisbi siyaasadeed furan doono.

Geedi oo ku faanay in isaga iyo Cabdullahi Yuusuf sabab u yihiin dowladda hadda Soomaaliya u dhisan hana qaadkeeda ayaa sheegay in Xisbigiisa Puntland iyo Soomaaliya oo dhan lagu baahin doono.

Dhinaca kale, Geedi oo u muuqday in uu u duur xulayey siyaasiyiin laga hayo in XAMAR dowladda madaxdeeda MARTI ku tahay ayaa adkeeyey in Soomaaliya oo dhan loo siman yahay.

KAARKA UU XOQONAYO

Geedi waxa uu u muuqdaa mid kalsooni ku qaba, iskuna haleynaya in uu wada hanan karo dhammaan kalsoonida shacabka reer Punland ee uu isu soo taago xilka Madaxtinimo ee dalka.

Waxa uu u muuqda mid ka GARACAYA shacabka reer Puntland meesha ay jecelyihiin iyo xoqoshada kaarkii saaxiibtinimo ee Cabdullahi Yusuf.

Dabcan, reer Puntland Cabdullahi waxa ay u yaqaanaan AABE taas oo ka dhigan in shaqsi walba oo ka ag dhawaa uga duwan yahay raga kale – GEEDI kuma DARI doonaan siyaasiyiinta kale ee xusul duubka wada!!!

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this