Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Al Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay Al Shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo khasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Weerarka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Afgooye, waxaana dadka deegaanka la sheegay inay saqdii dhexe ku tooseen dhawaqa rasaasta oo aad u xooganeyd.

Maamulka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahiyay dagaalka, waxaana guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose uu sheegay inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Al Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in weeararka Al Shabaab uu ahaa mid ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka deegaanka islamarkaana ay ka hortageen qorshihii ay damacsanaayeen.

Wuxuu sidoo kale in dhanka Al Shabaab ay ka dileen 10 dagaalyahan, dhankoodana ay soo gaareen dhaawacyada labo kamid ah askarta ciidamada dowladda, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this