Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada oo amaro kasoo saartay arin halis ku keeni karta Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa amaro kasoo saartay hubka ciidamada dowladda leeyihiin ee sida sharcci darada loogu heysto xaafadaha magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta xeer ilaalinta maxakamada ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in kiisas badan oo la  helay ay muujiyeen in ciidamada dowladda hubkooda lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale masuuliyiinta xeer ilaalinta ayaa sheegay in xaafadaha qaar lagu heysto hub aan aheyn kan dowladda Soomaaliya, balse dhawaan la bilaabi doono howlgalao hub ka dhigis ah.

”Kiisaska la horkeeno Maxakamada intooda badan hubka dambiyada lagu galo waa Hubkii Ciidamada oo si qarsoodi ah loogu iibiyo suuqyada,Waxaan baari doonaa hantida Ciidamada ee sida qaldan loo isticmaalay”ayaa lagu yiri qoraalka xeer ilaalinta.

“Waxaa jiro dad aan kamid aheyn ciidamada qalabka sida oo heysta hub culus oo sharci daro ah, kuwo ciidamada dowladda ka tirsan ay hubka u adeegsadaan qaab aan nidaamka dowliga aheyn, waxaana socdo qorshe dadkaasi wax looga qabanayo”.

“DHamaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida waxaa laga sugayaa inay ciidankooda ka joojiyaan gaadiidka gaashaaman ee iska yaala xaafadahooda, xubin kasta oo ka tirsan ciidamada xooga dalka, oo ku takri fasha, burburisa ama iibisa waxaa laga doonayaa in xeer ilaalinta si loogu ciqaabo dadka ay quseyso” ayaa lagu yiri qoraalka xeer ilaalinta.

Arinta ayaa u muuqata mid ka dhalatay cabsi badan oo laga qabo in hubka aan sharciyeysneen lagu geysto falal dambiyeed ka dhan ah dowladnimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this