Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM: “Waxaan duqayn cusub ku dilnay 12 Al-Shabaab”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegtay in uu duqayn cusub ka geystay meel ku dhow degaanka Gandarshe, oo dhinaca Koonfur Galbeed uga aadan Muqdisho, kaasi oo hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa lagu xusay in weerarka cirka ay ku dileen 12 kamid ahaa Al-Shabaab.

Gregg Olson, agaasimaha taliska AFRICOM, ayaa shaaciyay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay xasilooni ku soo dabaabilada dalka.

AFRICOM ayaa meesha ka saartay in duqayntaan oo ay fuliyeen 1-dii bishaan Febraayo ay ka dhalatay khasaaro soo gaarey dad shacab ah.

Bishii December ayay ahayd markii 6 duqayn oo uu Mareykanka ka fuliyay nawaaxiga Gandarshe uu tilmaamay in ay Shabaab kaga khaarijiyeen 62 xubnood.

20-kii bishii hore ee Janaayo ee sanadkaan 2019-ka ayay ahayd markii Mareykanka duqayn uu ka fuliyay gobolka Hiiraan uu tibaaxay in uu ku dilay 24 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada Mareykanka oo ka soo baxay illaa iyo haatan xarakada Al-Shabaab.

The post AFRICOM: “Waxaan duqayn cusub ku dilnay 12 Al-Shabaab” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this