Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeeyn lagu dilay Saraakiil iyo ciidamo Al-shabaab ah oo ka dhacday Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah-faahin Duqeyn caawa lagu Dilay Amiir oo ka dhacay Gobalka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Caawa Diyaarad Dagaal ay duqeyn culus ka fulisay dhul miyi ah oo 15km u jira Deegaanka Ceel cali ee Gobalka hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Ciidamada Xooga dalka ayaa xaqiijiyey in duqeynta uu ku dhintay Amiir dhanka Lacagta u qaabilsanaa Al-shabaab iyo tiro Askar ah goobta ku sugaan sida ay sheegeen.

Masuuliyiinta ayaa ka cududaartay in ay faah faahin intaasi ka badan ay bixiyaan iyaga oo sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Dowlada Mareykanka ayaa duqeeymo ay la bartilmaameedaaneeyso Al-Shabaab ka wado qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post 

The post Duqeeyn lagu dilay Saraakiil iyo ciidamo Al-shabaab ah oo ka dhacday Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this