Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray weeraro lagu laayey askar badan oo Kenyan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmooyinka Dhoobleey iyo Af-madoow ayaa tibaaxaya in xalay saqdii dhexe dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in weerarkaasi uu ku bilawday qaraxyo la dhigay bartamaha adada xiriirsa Dhoobleey iyo Af-madoow oo ay Kolonyada Ciidamada Kenyanka ah ku socdaalayeen.

Qaraxaasi dabadeed waxaa la sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar fool ka fool ah ku qaadeen ciidamada Kenyaanka ah, waxaana lasoo warinayaahabaab khasaaro ka dhashay weerarkaasi oo aan la cayumin.

Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi gaadmada ah ay Ciidamada Kenyaatiga ah kaga gubeen labba gaari oo midi uu ahaa gawaarida gaashaam oo ay wateyn ciidamada la weeraray.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada ciidamada Kenya khasaara lixaad leh lagu gaarsiiyay, isbuucii lasoo dhaafay ugu yaraan 10 askari Kenyaan ah oo uu kamid ahaa dhaqtarkoodi gaarka ahaa ayaa lagu dilay weerar jidgal ah.

Kenya dhankooda kama aysan hadal weerarkaani lagu qaaday ciidamadooda ku socdaalayay inta u dhaxaysa Degmooyinka Dhoobleey iyop Afmadoow.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this