Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwaynaha K/Galbeed oo socdaal ku yimid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa galabnimadii maanta soo gaarey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiro iyo Xildhibaan ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka dalka ayaa ka qayb-qaatay soo dhawaynta Madaxwayne Lafta Gareen.

Lafta Gareen oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa umahad-celiyay xubnaha soo dhaweeyay, isaga oo shaaciyay in ujeedka safarkiisu yahay mid shaqo.

Socdaalka uu Madaxwayne Lafta Gareen uu ku yimid magaala madaxda wadanka ayaa kusoo aadaya iyada oo uu maanta magacaabay wasiiro cusub, kuwaasi oo kamid noqonaya Gollaha xukuumada ee dowlad goboleedkaan.

The post Madaxwaynaha K/Galbeed oo socdaal ku yimid Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this