Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Askari hooyo Soomaaliyeed ku dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya dil maanta ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dilka oo loo geystay hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Xaawo Shiikhow Faarax ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay Askari ka tirsan ciidamada dowlada.

Lama ogga sababta keentay in Askariga uu dilo Marxuum Xaawo, taasi oo kasoo laabtay waqtiga la dilayey Isbitaal, maadaama ay xanuun la tacaaleysay.

Cabdixakiin Nuur Xalane, oo ah wiil ay dhashay Marxuum Xaawo oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa codsaday in cadaalada lasoo taago askariga.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Mahad.mp3

Hoos ka daawo sawiradda

Sawir2-300x200.jpg Sawir1-300x200.jpg Sawir3-300x200.jpg

The post Sawirro: Askari hooyo Soomaaliyeed ku dilay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this