Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenyan ee AMISOM oo lagu Weeraray Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kneya_Force_In_Somalia.jpg?resize=851%2CKismaayo (PP) ─ Wararka laga helayo degmooyinka Dhoobleey iyo Af-madoow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya.

Qaraxyo la dhigay waddada dhinaceen ayaa la sheegay inay ciidammada la qarxeen, xilli ay ciidamadu marayeen deegaan u dhexeeya Dhoobleey iyo Af-madoow, inkastoo aanay ciidamada Kenya sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay.

Sidoo kale, Qaraxa kaddib ayaa la sheegay inuu goobta ka dhacay dagaal toos ah oo ciidamada Kenya iyo xoogaga Al-shabaab u dhexeeyay, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, dagaalkuna uu muddo kaddib si iskiis ah u joogsaday.

Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas gaadmada ah ay ciidamada Kenya uga gubeen laba baabuur oo midi uu ahaa kuwa gaarka ah ee ay ciidamadu isticmaalaan ama gaari gaashaaman.

Al-shabaab ma sheegin khasaaraha dagaalkan kasoo gaaray dhankooda iyo khasaaraha ciidamada Kenya ay gaarsiiyeen, waxaase afhayeen u hadlay uu sheegay inay dagaalka ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaan ka hadlin weerarka ciidamada lagu qaaday khasaaraha kasoo gaaray, balse inta badan ciidamada Kenya ayaa lag beegsadaa deegaannad ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Kenyan ee AMISOM oo lagu Weeraray Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this