Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Farmaajo_Biixi_eedeyn.jpg?resize=816%2C5Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta eedeeyn kulul u jeediyay madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaddib khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay aasaaska ciidamada Somaliland.

Biixxi ayaa hadalkiisa ku sheegay in tan iyo markii madaxweyne Farmaajo la doortay uu ku hawlanaa wuxuu ku tilmaamay cunno-qabataynta iyo in dhib loo geysto Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu gadaal-ka-riixayay dagaalladii soo Laalaabtay ee Deegaanka Tukaraq ku dhex-maray ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ay illaa haatan isku hor-fadhiyaan deegaankaas.

“Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku hawlahaa sidii uu u dhibaateyn lahaa Somaliland. Wuxuu doonayaa inuu sameeyo xuduudo beeleed, dowladiisuna waxay ka arrimisaa Banaadir [Muqdisho] oo keliya, marka maxuu Somaliland uga hadlayaa,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Eedda uu Biixi u jeediyay Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka ah loogu baaqay inay dib u billowdo wadahadalladii ay kula jirtay Somaliland, kuwaasoo tan iyo markii Farmaajo la doortay hakad ku jiray.

Dhanka kale, Madaxweyne Biixi ayaa xusay in Somailand ay diyaar u tahay inay nabad kula noolaato dalalka jaarka la ah oo ay sheegeen inay Somalia ku jirto, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin cid ay duullaan ku yihiin.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeynta uu Muuse Biixi u soo jeediyay Madaxweynaha  Somalia Maxamed Farmaajo, iyadoo la ogyahay in Somaliland ay horay ugu dhawaaqday inay Somalia ka go’aday 1992-kii.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha DF Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this