Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo weerar xun ku qaaday madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Isaga oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay aas aaska Ciidamada Somaliland ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu Muuse Biixi sheegay in tan iyo markii madaxweyne Farmaajo la doortay uu ku howlanaa waxa uu ku tilmaamay cunaqabataynta iyo dhibaateynta Somaliland.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu isaga gadaal ka riixayay dagaalkii soo noq noqdey ee Tukaraq ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ay ilaa haatan isku hor-fadhiyaan.

“Ilaamaa maalintii la oortay Madaxweyne Farmaajo Somaliland ayuu ku howlanyahay oo dhibaateynayaa, Xaduudo ayuu ka hadlaya oo waxa uu doonayaa in uu sameeyo xaduudo beeleed, dowladiisana waxa ay ka arrimisaa kaliya Banaadir, marka maxuu Somaliland kaga hadlaya” ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Eedymahaasi oo uu Muuse Biixi u jeediyay Madaxweyne Farmaajo looma hayo cadeymo, hase ahaatee waxaa muuqata in uu hakad galay wada-hadaladii Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xafiiska la wareegay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this