Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkii ciidanka Itoobiya lala beegsaday iyo tirada askarta ay ku dishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online) –  Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax is-miidamain ah oo maanta ciidamada Itoobiya lagula eegtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Weerarka oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyey qof ismiidaamiyey oo waday baabuurka la qarxiyey, waxaana  lagu beegsaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee ku yaalla meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha degmadaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu yiri “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday ciidamada saliibiyiinta Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere”

Al-Shabaab waxa ay intaas ku dartay in macluumaadka hordhaca ah ee ay hayso ay sheegayaan in 16 aksari oo Itoobiyaan ah lagu dilay weerarka. Weli wax rasmi ah kama soo bixin ciidamada Itoobiya.

Weerarkan ka dhacay magaalada Baardheere ayaa imaanaya laba maalmood kadib markii dowladda Itoobiya ay hoggaanka uqabatay ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Bishii tagtay ayaa weerar Al-Shabaab ay sidaan oo kale uga fulisay inta u dhaxeysa Buur-Hakaba iyo Baydhaba, ayaa lagu dilay askar ku dhow 60 oo ka mid ah ciidamada Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this