Sign in to follow this  
Deeq A.

Carruur Darbi-jiif Ah Oo Muddo Toddobaad Ka Badan U Xidhan Madaharaad Ay Ka Hor Sameeyeen Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dhallinyaro ka badan 20 carruur ah oo toddobaadkii la xidh-xidhay ka dib markii ay madaharaad ka horsameeyeen xarinta Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska Somaliland ayaa wali xidhan.


Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu maanta ku baahiyay Facebook waxa uu kaga hadlay arrinta waxaanu sheegay in tallaabadani ay tahay mid aad looga xumaado.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa waxa uu yidhi “22 ciyaal derbi jiif ah oo maalin dhowayd ku hor mudaharaaday Wasaaradda Arimaha Bulshada ayaa weli xidhan oo rumaan loo diray. Waxa aad iigu adag inaan fahmo cidda go’aanada caynkan oo kale ah qaadata iyo aragtida ka danbaysa. Waxaanan garanayn ilme yar oo derbi jiif ah cidda ku dhiiratay inay xabsi ku rido. Waa murugo iyo ciiil. Dadkoo dhan hadaad doontaan walaalayaal xidh xidha oo derbi jiifkaas uun sii daaya. Bifadlukum wa bi ixsaanu kum. Uma qalmaan umana adkaysan karaan xadhig.”

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa hore u cambaareeyay tallaabadan lagu xidhay carruurta darbi-jiifka ah ee mudaharaadka sameeyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this