Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo sheegtay qarax ka dhacay Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiimaadiin ahaa oo maanta ka dhacay degmada Baardheere ee G/ Gedo.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay Gaari Noah- ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu weeraray saldhig Ciidamada Itooobiya ay ku leeyihiin Garoonka diyaayradaha magaaladaasi.

Gaarigan oo laga shakiyay ayaa la sheegay in Ciidanku ay joojiyeen, kadibna uu ku qarxay halkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa DFS oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa 3 ruux oo uu ku jiro ninkii fuliyay weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa labo Qof oo kale oo ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceen.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka

Warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 16 Askari, sida ay hadalka u dhigeen.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Gedo.

The post Al Shabaab Oo sheegtay qarax ka dhacay Baardheere appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this