Deeq A. Posted February 2, 2019 Afmadow ( Sh. M. Networj )-Sida lagu baahiyay boggaga Internet-ka ee Al Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay dileen illaa 10 Qof oo isugu jiray Dhaqaatiira iyo Askari ka tirsanaa Ciidamo Kenyaan ah oo dhawaan ka soo gudubay xadka Soomaaliya iyo Kenya. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qarax Miino ay ku dileen Askartaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay gubeen labo ka mid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Muddooyinkii u dambeeyay Al Shabaab ayaa kor dhiyay weerarada ka dhanka ah Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ka howlgala K/ Soomaaliya. The post Askar ka tirsanaa Ciidanka Kenya Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites