Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Yariisow Oo amray in la furo waddada Isbitaal Keysaney

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) oo maanta ka qeyb galayay munaasabadda aas-aaska isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ayaa amray in muddo bil gudaheed ah lagu furo waddada gasha isbitaalkaasi oo hadda ah mid xiran.

Maamulka, shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada Dawooyinka u soo raadsada Isbitaalka Keysaney ayaa qiray in dhibaato weyn ay ku qabaan xirnaashaha waddadaasi, waxaana ay ka codsadeen guddoomiye Yariisow in uu dadajiyo furitaankeeda.

Dhanka kale agaasimaha isbitaalka Keysaney Dr Axmed Maxamed (Axmed Taajir) ayaa soo dhaweeyay amarka ka soo baxay G/ Banaadir ee lagu furayo waddadaasi.

Axmed Taajir ayaa sidoo kale ka warbixiyay waxqabadka Isbitaalkan oo maanta jirsaday 27 sano.

Keysaney ayaa ka mid ah Isbitaallada waa weyn ee haatan ka shaqeeya magaalada Muqdisho, waxaana adeeg caafimaad u doonta dad badan oo Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

IMG-20190202-WA0014-300x169.jpg AAYO-300x169.jpg IMG-20190202-WA0011-300x169.jpg IMG-20190202-WA0012-300x169.jpg

The post Guddoomiye Yariisow Oo amray in la furo waddada Isbitaal Keysaney appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this