Deeq A. Posted February 2, 2019 Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah. Qaraxa ayaa waxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana ku dhintay ku dhowaad 10 ruux, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan warar hordhac ah. Maamulka Degmada Baardheere wali kama hadlin qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Baardheere appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites